Dowladda Somalia oo si adag uga Jawaabtay eeddii kaga timid dalka Imaaraadka Carabta

Muqdisho (PP) ─ Dawladda Somalia ayaa ku gacan seyrtay cambaarayn uga timid dalka Imaaraadka Carabta oo la xiriirtay lacagtii ciidamada amnigu ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdishu Axaddii toddobaadkan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada amniga Somalia ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen 9.6 milyan oo doollar, taasoo ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo xad-gudub ku ah shuruucda caalamka.

Xukuumadda Imaaraadka ayaa sheegtay inay arrintaas jabinayso is-afgarad ay horey u gaareen Dowladda Federaalka Somalia iyo Imaaraadka sannadkii 2014-kii.

Balse, Dowladda Somalia ayaa sheegtay difaacday Tallaabada ay qaadday waxayna xustay in safiirka imaaraadka u jooga Muqdishu uu diiday in la mariyo boorsooyinka qalabka baadhitaanka iyaga oo aan la furin.

Dhanka kale, Sarkaal u hadlay Dowladda Federaalka Somalia ayaa xusay in boorsooyinku aan ahayn in loo adeegsado ujeedooyin dublamaasiyadeed, taasoo meesha ka saaraysa xasaanaddii ay cahdiga Vienna ee xiriirka dublamaasiyadeed.

Waxaa kaloo uu sarkaalku sheegay in is-agaradka ay gaadheen Soomaaliya iyo imaaraadka uu waaqtigiisii dhammaaday sannadkii 2016-kii. Iyadoo aan weli la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto lacagtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho oo lagu wareejiyay bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Qabashada lacagtan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo uu dalka ka jiray muran siyaasadeed oo culus, kaasoo soo billowday markii uu baarlmaaanka Somalia diiday heshiiskii shirkadda DP World ee waddanka Imaaraadka laga leeyahay ee dekedda Berbrera.

PUNTLAND POST