FARMAAJO: Go’aankii uu isku casilay Jawaari waa mid Taariikhi ah oo aan soo dhaweynayo


Muqdisho (PP) ─
Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, ayaa goor-dhaw la hadlay saxaafada waxaana madaxweynuhu uu soo dhaweeyay is-casilaadii guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari iyo go’aankii, isagoo baaq iyo talooyin u jeediyay Xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Guddoomiyaha xilka iska casilay oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in is-casilaadiisa ay ahayd mid uu ku badbaadinayo baarlamaanka, isla markaana uu berri baarlamaanka hortiisa ka jeedin doono khudbad uu amaannadii ay xildhibaannadu u dhiibteen ku wareejinayo.

“Waxaan doonayay oo keliya inaan idinka iyo madaxweynaha idiin xaqiijinayo inaan xilka banneynayo, oo aan berri ka sheegi doono fadhiga golaha shacabka, halkaas ayaana wixii kale oo dheeraad ah ka sheegi doonaa, waana idiin mahad-celinayaa,” ayuu si kooban u yiri guddoomiyaha xilka banneneynaya ee Jawaari.

Madaxweyne Farmaajo oo shirka jaraa’id uu kula wehliyay guddoomiyihii is casilay Jawaari ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay uu ahaa mid taariikhi ah oo aan wax shuruud ah ku xirneyn.

“Waxaan u mahad-celinayaa Guddoomiye Jawaari oo in ka badan 50-sano u soo dhaweynayay dalka, xilal kala duwanna soo qabtay, waa oday Somali ah waa khabiir dhanka sharciga in badan dowladnimada ka soo shaqeeyay, go’aanka uu qaatay waa mid taariikhi ah, wax shuruud ah oo ku xiran ma lahan,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jawaari inuu sii wado halihii uu dalka u hayay iyo qabyo tirka dastuurka, isagoo xusay inay ka filayaan inuu sii wado talo bixintiisa iyo talo soo jeedintiisa intaba.

Madaxweynaha Somalia, ayaa faray Xukuumadda in laba jibaarto dadaalka ay ugu jirto howlaha sugida iyo horumarinta dhaqaalaha, sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Baarlamaanka inay dardar geliyaan hindise sharciyeedyada ay Xukuumadda u soo gubisay, kaasoo uu sheegay in ahmiyad weyn u leh dalka.

Dhanka kale, Inkastoo shirkiisa jaraa’id uu ahaa mid kooban, hadana ma jirin wax su’aalo ah oo war-fidiyeenka loo ogolaaday inay madaxda dalka weydiiyaan, iyadoo shirkaan jaraa’id uu imaanayo kaddib muddo dheer oo uu ka aamusanaa madaxweynuhu khilaafka hareeryay dowaldda.

Ugu dmabeyn, Xiisada siyaasadeed ee Saddexdii Toddobaad ee uu dalka ku jiraya ayaa rasmi ahaan soo afjarmeysa, waxaana la geli doonaa marxalad cusub oo aan la qiyaasi karin, waxaana todobaadyada soo socda loolan adag loo geli doonaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la filayo in 15 casho gudahood lagu soo doorto.

PUNTLAND POST