Dowladda Somalia oo Magacawday Guddi la shaqeeya Hay’adaha Qaramada Midoobay


Muqdisho (PP) ─
Wasaarada Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa magacowday guddi ka kooban 11-xubnood oo iskaashi iyo wada-shaqeyn la sameysa guddi kale oo ka socda Qaramada Midoobey oo dib laga faafin doono si loo horumariyo istiraatiijiyadaha suuragalka ay tahay inay u gogol xaarto raadraacidda fulinta qorshayaasha horumar ee lagu xoojinayo maqaamka Soomaaliya iyo waxa shacabkeedu hantiyay.

Kulan ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo u dhaxeeyay qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda iyo Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid ah iskaashi iyo Wada-shaqeyn toos oo dhex marta labada dhinac.

Xukuumada Federaalka Somalia waxay leedahay barnaamijyo horumarineed oo muujinaya muuqaalka dhaqaale, siyaasad iyo bulsho oo ka qayb ah is-tiraatiijiyad ee hir-geliya hab-dhamaystiran oo wax ku ool ah ee koritaanka joogtada ah, taas oo wadada u xaareysa, xoojinaysana xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalka kala duwan ee adduunka.

Guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay ayaa waxa uu ka kooban yahay sidan:

  1. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (Martigeliye)
  2. Wasaaradda Maaliyadda
  3. Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha
  4. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
  5. Wasaaradda Amniga Gudaha
  6. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  7. Wasaaradda Arrimaha Bani’aadannimada iyo Maareynta Masiibooyinka
  8. Xafiiska Ra’iisul wasaaraha – Wasiiru dowle
  9. Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha – Heer Agaasime Guud
  10. Maamulka Gobolka Banaadir – Duqa Magaalada/ heer kuxigeen
  11. Xafiiska Madaxweynaha – heer lataliye

PUNTLAND POST