Dowladda Imaaraadka Carabta oo si Kulul uga hadashay Lacagtii lagu Qabtay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, ayaa si kulul u cambaareysay falkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qabatay diyaarada laga lahaa dalka Imaaraadka oo sidday lacag gaaraysa 9.6-million oo doollar oo loogu talo galay in lagu taageero ciidanka Somalia iyo macalimiinta tababara.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu xusay in ciidamom saarnaa diyaarada ay xadgudub kula kaceen ciidamada Dowladda Somalia oo qoryo ku qabteen, taasoo ay ku tilmaantay mid aan la qaadan karin.

“Arrintaan waa sharci-darro kasoo hor-jeedda Xushmada Dublamaasiyiinta labada dal u dhexeysa iyo heshiis is faham ah oo dhex maray labada waddan bishii November ee sannadkii 2014-kii,” ayaa lagu yiri qoraalkan Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, Qoraalka ayaa mar kale lagu yiri. “falkaan wuxuu xad-gudub weyn ku yahay xeerarka caalamiga ah, iyadoo Imaaraadku uu siiyo kaalmo dhinac walba ah Somalia, gaar ahaan dhinacyada siyaasada, ciidamada iyo gar-gaar bani’aadamnimo si ay u dagto Somalia.”

Warbixintan oo ay daabacday wakaaladda wararka imaaraadka ee WAM, ayaan lagu sheegin wax tallaabo ah oo ay dowladda Imaaraadka ka qaadan doonto falkii ay ku kacday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Lacagtii lagu qabay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho 08-dii bishan Abriil, ayaa la geeyay Bangiga dhexe ee Soomaalia illaa iyo haddana lama oga sida laga yeelayo lacagtaas.

PUNTLAND POST