Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowlada Somalia oo ka socda Qaybo ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa ka socda Muqdisho, dagaalkan oo salka ku haya is-qabqabsi dhuleed oo u dhexeeya dad shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Puntlandpost.net in dagaalku oo aad u culus uu xilligan ka socdo Siliiga Mareykanka oo ku yaalla degmada Wadajir oo ay dhawaanahan ka taagnaa muran dhul.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dagaalkan uu dhaliyay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaartay dhinacyada dagaalku u dhexeeyo, balse ma jiraan warar xaqiijinaya tirada khasaaraha dagaalkan uu dhaliyay.

“Dagaalku waa mid culus, wuxuuna u dhexeeya ciidammo kawada tirsan DF oo kala taageeraya kooxo dhul isku haysta. Waxaan arkay dhimashada shan qof oo dhinacyada dagaalamaya ah iyo dhaawac ku dhaw sagaal qof,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah dadka deegaankaas ku sugan.

Halka lagu dagaalamayo ayaa waxay horay u ahayd safaaraddii Mareykanka ee Somalia, balse burburkii kaddib ayaa wuxuu deegaan u noqday shacabka ku nool Muqdisho, iyadoo dhulka silligaas lagu kala iibsado lacago badan.

Dhanka kale, dagaalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu dagaal noocan oo kale ah ka dhacay deegaanka Haanta dheer iyo xeradii ciidamada ee 77 loo yiqiinay, iyadoo lagu dagalaamay dhul halkaas ku yaalla.

Ugu dambeyn, Hay’adaha amniga Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin dagaalka culus oo ka socda Silliga Mareyaknka, waxaana dagaalkan uu ku sii baahayaan qaybo kale oo degmada Wadajir ka tirsan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala socdo Puntland Post haddii ALLE idmo.

PUNTLAND POST