Sarkaal ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee DF oo Maanta lagu Xukumay Dil Toogsaho

Muqdisho (PP) ─Maxakamadda Sare ee Ciidanka Qalabka sida ee Somalia ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday Col. C/naasir Xoosh Maxamed oo horey u dilay Abaanduulihii Ciidanka Badda Somalia Jeneral Saciid Aadan Yuusuf Saciid [Mariino].

Bishii Feberaayo 20-keedii 2018-ka, ayay maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida qalabka sida ee Somalia ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday Col. C/naasir Xoosh, balse sarkaalka ayaa xukunkaas lagu riday ka qaatay rafcaan.

Sidoo kale, Maxkamadda Sare ee ciidanka qalabka sida ayaa maanta waxay xukun dil toogasho ah ku riday sarkaalkan, xukunkaas oo xoojinaya midkii horay ay ugu ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee ciidamada qalabka sida, Liibaan Cali Yaroow ayaa xukunka dilka ah oo ay maxkamaddu riday u akhriyay warbaahinta qaybaheeda kala duwan.

“Markii aan dhageysannay xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida, markii aan dhageysannay qaar ka mid ah markhaatiyaashii maxkamadda la horkeenay, markii aan dhageysannay abuukaatihii u doodayay, waxaa cadaatay in Col. C/naasir Xoosh uu galay dambiga loo haysto, maxkamadduna waxay ku xukuntay dil toogasho,” ayuu yiri Col. Yaroow oo go’aanka xukunka akhrinaya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Dowladda Somalia lagu oo gacan ku dhiigle ah xukun dil ah lagu rido, iyadoo horay saraakiil dhawr ah xukunno noocan oo kale ah loogu riday, isla markaana lagu fuliyay qaarkood xukunnadii dilka ahaa.

Ugu dambeyn, Marxuum Siciid Aadan Yuusuf [Mariino] ayaa lagu dilay gudaha dekedda Muqdisho 19-kii bishii Jannaayo ee Sannadkaan 2018-ka, wuxuuna door muuqda uu ku dhex lahaa ciidanka xooga Dalka Somalia oo in muddo ah uu u soo shaqeynayay.

PUNTLAND POST