Jawaari oo Xaqiijiyay inuu iska-casilay Xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa caawa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu iska-casilay xilkii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahiyo sababta rasmiga ah ee uu isku casilay.

Jawaari oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in is-casilaaddiisa ay salka ku hayso sidii uu baarlamaanka uga badbaadin lahaa burbur, mana uusan ka hadlin tallaabada xigta ee uu qaadan doono.

“Kulanka baarlamanka Somalia uu yeelan doono Arbacada soo socota ayaan ka hor-jeedin doonaa is-casilaaddeyda,” ayuu si kooban u yiri Jawaari oo aan sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysa iscasilaaddiisa.

Hadalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo uu Prof. Jawaari ku xaqiijiyo inuu xilka guddoonka baarlamaanka iska-casilay, marka laga reebo hadal uu saakay xildhibaanno kooban hor-tooda ka sheegay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Guddoomiyaha xilka banneeyay ayaa horay u sheegay in Madaxweynaha dalka uu ka dalbaday uu ka dalbaday inuu is-casilo balse uu ka diiday isagoo ku adkeysatay inuu ku baxayo cod, sidii uu markii horeba ku yimid.

Balse, is-casilaaddiisan ayaa ka dhalatay cadaadisyo badan oo la saarayay muddo 26-maalmood ah oo uu socday khilaafka u dhexeeya baarlamaanka iyo xukuumadda ee ka dhashay mooshinka Jawaari.

Dhanka kale, Mudane Jawaari ayaa wuxuu guddoomiyaha baarlamaanka 10-aad ahaa sannad iyo bilooyin, halka uu soo noqday guddoomiyihii baarlamaankii sagaalaad ee midkan ka horreeyay.

Ugu dambeyn, Tallaabada uu isku casilay Jawaari ayaa waxay noqotay mid ka yaabisay taageerayaashiisii iyo inta badan dadka Soomaaliyeed, kaddib markii uu isku casilay maanta dalab uga yimid Madaxweyne Farmaajo.

PUNTLAND POST