Xildhibaanada oo lagu Wargeliyay in berri la qabanayo kulan looga hadalyo Mooshinka…

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia, C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa farriimo qoraaleed u diray Xildhibaannada baarlamaanka, kaasoo lagu wargelinayo in Isniinta berri ah uu jiro kulanka Baarlamaanka ee ajandihiisa yahay mooshinka Guddoomiye Jawaari laga keenay.

Fariintan ayaa lasoo diray xilli kulan gaar ah ay Muqdisho ku leeyihiin Prof. Jawaari iyo madaxweyne Farmaajo, kaasoo looga hadlayo xiisadda taagan ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Jawaari, kaasoo kala qaybiyay gabi ahaan xildhibaannada baarlmaaanka Soomaaliya iyo hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Wararka qaar ayaa sheegaya in garabka uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ay diidan yihiin waan-waanta iyo dadaallada socda, iyadoo farriintan u muuqato mid xagal daacineysa dadaalada uu wado Madaxweynaha ee xal ka gaarista mushkiladan daba dheeraatay.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya inay socdaan kulammo kala duwan oo la doonayo in lagu xalliyo khilaafka taagan, iyadoo xalay oo dhan ay Muqdisho ka socdeen kulammo kala duwan oo xiriir la leh Mooshinka.

Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu habeen ka hor baajiyay kulankii shalay oo Sabti ahaa ay qaban-qaabinayeen garabka Guddoomiye C/wali Muudeey oo qorshahooda ahaa inay qabtaan kulanka Baarlamaanka.

Ugu dambeyn, Lama oga halka ay ku dambeyn doonto xaaladda, waxaase muuqata in kala aragti duwanaan ka dhex jirto xubnihii mooshinka waday oo aan ku qanacsaneyn dadaalada iyo waan waanta labadii cisho ee u dambeysay socotay.

PUNTLAND POST