SOMALILAND: Saldhiga Imaaraadku ka dhisayo Berbera oo looga Duuli doono Dalka Yemen

Hargeysa (PP) ─ Sarkaal u hadlay maamulka Somaliland ayaa sheegay in saldhigga ciidan ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayso magaalada Berbera looga duuli doono dalka Yemen, si loo jabiyo awoodda kooxda Xuutiyiinta.

Wakiilka Somaliland ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Baashe Cawli Cumar ayaa sheegay in qorshaha saldhiggan uu yahay mid wajiyo badan oo ay ka mid yihiin tababarro lagu siin doono ciidamada amniga Somaliland, isla markaana looga duuli doono dalka Yemen.

“Dalka Imaaraadka Carabta waxay saldhigaas Somaliland ugu tababarayaan ciidamadeenna amiga, sidoo kalena waxay iyagu u adeegsan doonaan inay uga duulaan dalka Yemen,” ayuu yiri Baashe Cawil oo aan bixin faahfaahino intaas ka badan.

Sannadkii hore ayay ahayd markii kooxaha Xuuthiyiinta ah ee dalka Yemen ay ku hanjabeen inay duqeyn doonaan Somaliland, haddii saldhiga Berbera ay Imaaraadku ka dhisanayso looga soo duulo.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa horay u beeniyay inay jirto in saldhig looga duulo Imaaraadka laga dhisayo Barbara, balse ay taageersan yihiin dadaallada ay wadaan dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga ee lagula dagaalamayo Kooxda Xuuthiyiinta Yemen.

Ugu dambeyn, Kooxaha Shiicadaha ah ee Yemen ayaa waxay awood ciidan ku qabsadeen inta badan dalka Yemen, Waxaana dagaal kula jiray xoogag ay hoggaaminayso boqortooyada Sucuudiga, si ay awoodda ugu soo celiyaan dowladda aan itaalka lahayn ee caalamku taageersan yahay.

PUNTLAND POST