Danjire Keating oo maanta kulan gaar ah la qaatay Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia

Muqdisho (PP) ─ Kulan gaar ah ayaa wuxuu maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiirka arrimaha dibadda Somalia, Axmed Ciise Cawad, wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Danjire Michael Keating.

Kulanka ayaa looga hadlay dhowr qodob oo ay ku jirto siyaasadda, amniga iyo iskaashiga, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray xiisadaha dalka ka taagan iyo sidii loo xallin lahaa.

Dhinacyada kulmay ayaa waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi xiriiriya, isla markaana ka shaqeeya xoojinta iyo horumarinta wax wadaagid qoto-dheer oo istiraatiijiyad leh oo u dhexeysa Qaramada Midoobey iyo Somalia oo dhinacyo badan leh.

Sidoo kale, kulan kale oo gaar ah ayaa wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad wuxuu la yeeshay danjire Keating, isagoo kala hadlay taaba-gelinta iyo horumarinta istiraatiijiyadaha wadaagga ah ee u dhexeeya hay’adaha Dowladda Somalia iyo kuwa Qaramada Midoobey ee ka hawlgala dalka si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah si uu qeyb uga noqdo dadaalka Somalia ay ugu jirto xaqiijinta horumarka iyadoo la tixraacayo hannaanka Qaranka iyo hiigsiga wadaagga ah.

Ugu dambeyn, Kulankan oo qodobbadii kasoo baxay aan warbaahinta si dhab ah loogu faahfaahin, ayaa haddana wuxuu imaanayaa iyadoo xiisadda ka dhalatay Mooshinka Jawaari ay cirka isku sii shareertay, iyadoo berri oo Isniint ah loo ballansan yahay kulan xilka looga qaadayo Mudane Jawaari.


PUNTLAND POST