AKHRISO: Ururada Bulshada Rayidka Somalia oo Walaac ka Mujiyay Khilaafka Taagan


Muqdisho (PP) ─
Waxaa sii xoogeysanaya walaaca ay Ururada Bulshada rayidka ka qabaan khilaafka ba’an ee ka dhax jira xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliyeed, kaasoo curyaamiyay dhamaan shaqooyinkii Qqaranka.

Ururada kala; IIDA, SWDC, SWA, SIDO, SCSC – ayaa soo saaray baaq ku aadan xalinta khilaafka baarlamaanka waxayna ka digeyn in khilaafkan uu dalka u horseedo dib u dhac rajo beelna uu ku rido shacabka Soomaaliyeed ee rajada weyn ka qaba maamulka Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale, Baaqan oo ay si wadajir ah u soo saareen Bulshada Rayidka ah ayay ku sheegeen inay ku talinayaan in si deg-deg ah loo xalliyo Khilaafka golaha shacabka iyo xukuumadda u dhexeeya, lagana feejignaado dib u dhac iyo rajo beelka Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, baaqan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maanta lagu dhawaaqay guddiyo min todobada xubnood ah, kuwaasoo ka socda labada dhinac ee is-haya, isla markaana xallin doona khliaafka taagan oo noqday mid ragaadiyay hawlihii xukuumadda oo dhan.

PUNTLAND POST