Qarax Xoog leh oo ka dhacay Agagaarka Isgoyska Lambar Afar ee Mgaalada Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Qarax culus ayaa goor-dhaw ka dhacay Muqdisho, kaasoo ku aadanaa waddada ka baxda isgoyska KM-4 ee aadda garoonka diyaaradaha Muqdisho, illaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay.

Jugta qaraxan ayaa laga maqlay meelo badan oo Muqdisho ah, iyadoo qiiq aad u badan uu ka baxayo goobta uu ka dhacay Qaraxa, taasoo la sheegay inay ku aadanayd bar-koontarool oo ay ciidamada dowladdu halkaas ku leeyihiin.

Hay’adaha amniga Dowladda ayaan illaa hadda ka hadlin Qaraxaan, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay, basle Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli ay Muqdisho ka tagan tahay xiisado u dhexeysa xukuumadda iyo baarlamaanka Somalia.

Qaraxyadan noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladd Somalia iyo ciidamada ka socda Afrika ee loo yaqaan AMISOM, kuwaasoo caawiya dowladda Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha Qaraxan waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntland Post.

PUNTLAND POST