WARBIXIN: Khasaarihii ka dhashay Laba Qarax oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho


Muqdisho (PP) ─
Ugu yaraan toddoba ruux ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qaraxyo ismiidaamin ah oo maanta ka kala dhacay laba bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia.

Qaraxii koowaad oo ka dhacay bar-koontarool oo ku taalla Waddada aadda garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen laba qof oo midkood uu ahaa ruuxii waday gaarigii qarxay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka NISA oo koontaroolkaas ku sugnaa.

“Ciidamadu waxay ka hortageen weerar khasaare badan geysan lahaa, waayo gaariga waa laga shakiyay waana la xabadeeyay sidaas ayuuna ku qarxay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Somalia oo goobtaas kula hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, Saacad kaddib ayaa wuxuu qarax gaari ka dhacay koontarool ay ku sugnayeen ciidamada dowladda Somalia, gaar ahaan kuwa xaslinta oo ku yaallay agagaarka isgoyska Banaadir ee Muqdisho, waxaana halkaas ku naf-waayay shan qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidamadii goobtaas joogay.

Mid ka mid ah ciidamadii goobta ku sugnaa ee Qarax ka badbaaday ayaa u sheegay wariyeyaasha  in gaariga uu kusoo biiray gaadiidkii la baarayay, balse ciidamadu way ka shakiyeen iyagoo dilay saddex qof oo gaarigaas la socday, kaddibna gaariga ayaa qarxay.

Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah ayaa goobahaas gaaray, iyadoo ay noqonayso maanta maalintii ugu Qaraxyada badnayd Muqdisho tan iyo markii ay billaabatay xiisadda u dhexeysa Xukuumadda iyo Baarlamaanka Somalia.

Ugu dambeyn, Ma jirto weli cid sheegatay Qaraxyadan fashilmay, inkastoo Al-shabaab ay inta badan sheegato inay mas’uul ka tahay Qaraxyada ka dhaca Muqdisho, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo inay qaraxyo kale dhacaan.

PUNTLND POST