Dowladda Kenya oo Malaayihiin lacag ah dul-dhigtay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab

Nairobi (PP) ─ Dowladda Kenya ayaa lacago duldhigtay siddeed nin oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegtay in ay qorsheynayeen in weerarro ay ka fuliyaan gudaha Kenya.

Xubnaha l dhul-dhigay lacagaha ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin Isaaq Caliyow Maxamed, Raxiim Maxamed Sheekh, Bashiir Xareed Xuseen, Bashiye Aadan Cusmaan Kulu, C/rashiid Ibraahim Aadan, Siyaad Ibraahim C/laahi, Cabdi Maxamed Ibraahim iyo Maxamed Maxamuud Maxamed.

Raggaan ayaa lacagaha la dul-dhigay waxay gaarayaan shaqigiiba 2-milyan oo shillinka Kenya ah, waxaana lacagta la dul-dhigay siddeedan ruux ay noqoneysaa 16-milyan oo shillinka Kenya ah oo u dhiganta 20,000 oo dollar Mareykaka ah.

Booliiska Kenya ayaa shacabka dalkaas ka dalbaday inay u gudbiyaan wixii xog ah oo ay ka helaan raggaan oo Sawirradooda lagu baahiyay baraha ay bulshadu ku xiriirto, waxaa kaloo shacabka loo soo jeediyay inay gacan ka geystaan sidii raggan shrciga loo geyn lahaa.

Sidoo kale, Afhayeenka booliiska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay inay raggaan isku qarinayaan deegaanno ka tiran Gobolka Waqooyi Bari-Kenya gaar ahaan Kaynta Boni.

Ugu dambeyn, Ciidamada Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay ka wadeen gudaha dalkaas hawl-gallo ay ku tilmaameen inay ugu hor tagayaan weeraro ay sheegeen inay qorsheynayaan xoogag ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST