Taliyeyaasha Ciidamada oo lagu eedeeyay in aysan dhex-dhexaad ka ahayn xiisada taagan


Muqdisho (PP) ─
Xildhibaanada la baxay badbaadada Baarlamaanka DF oo xalay shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa xusay in taliyeyaasha ciidanka aanay dhex-dhexaad ka ahayn xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Mudanayaashan qaarkood ayaa sheegay in ilaaladii gaarka ah ee gudoomiye Jawaari la xiray, taasna ay tahay arrin xad-gudub ku ah xurmadiisa Jawaari, iyagoo ku baaqeen in loo soo celiyo ciidamadii laga qaaday.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa ugu baaqay xukuumadda Somalia inay kala baxdo faraha arrimaha baarlamaanka Federaalka Somalia, isla markaana ay sii qaadeyso tallaabooyin xaalada uga sii dari karta.

Waxay xildhibaannadan beeniyeen eedeynta loo jeediyay Guddoomiyaha ee ahaa inuu xerada qabsaday, balse taas bedelkeed waxay sheegeen in boqolaal ciidamo ah ay dowladda ku soo daadisay waddooyinka iyo gudaha xarunta baarlamaanka.

Dhanka kale, waxaa xildhibaannadani sheegeen in ciidammadii booliska ee gudaha xarunta baarlamaanka ku jiray ay wateen bastoolado iyo kantiinado, taasoo looga gol lahaa in lagu jeebeeyo xildhibaanada sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidanka ilaalada u ah Guddoomiye Jawaari ayaa lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen arbushaadii shalay ka dhacday Baarlamaanka, kaddib markii iyagoo hubeysan ay galeen, waxaana ciidamada ilaalada qaarkood la xiray, kuwa kalena lagu amray inay xarunta ay ilaalinayaan ka soo tagaan.

Ugu dambeyn, Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Baarlamaanka Somalia iyo Xukuumadda ayaa cirka isku shareertay, waxaana wali la helin wax xal ah, iyadoo labada dhinac ay hawada isu marinayaan hadalo culus.

PUNTLAND POST