Wasiirka Gaashaandhiga Uganda oo wax laga weydiinayo Askartii looga dilay Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Wargeyska The Observer ee kasoo baxa dalka Uganda, ayaa qoray in guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Uganda, Jacob Awlanyah uu u yeeray Wasiirka Gaashaandhigga dalkaas, Adolf Mwesige si wax looga weydiiyo Askartii dhawaan lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose.

Jakob Awlaanyah ayaa sheegay in shacabka Uganda ay u baahan yihiin inay ogaadaan khasaaraha ciidankooda soo gaaray, sidaa darteedna xukuumadda laga sugayo inay tiro koob rasmi ah soo saarto dhacdadii u dambeysay.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Uganda ayaa xusay inay wasiirka uga baahan yihiin inuu xildhibaannada la hor akhriyo tirada rasmiga ah ee askarta geeriyootay iyo magacayadooda, taasoo ah mid  keeni karta in tiro koob la helo.

“Dowladdu wali ma ay shaacin tirada rasmiga ah ee askarta ku geeriyootay weerarkii axadii ka dhacay Somalia ee lagu beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo kasoo jeeda Uganda,” ayuu yiri Jakob Awlaanyah oo intaas ku daray in xukuumadda uga baahan yihiin inay shaaciso waqtiga ciidamada Uganda laga saarayo Somalia.

Xukuumadda Uganda siyaabo kala duwan ayay uga hadashay khasaaraha kasoo gaaray weerarkii axadii ay Al-shabaab ku qaadeen saldhiga AMISOM ay ku lahayd deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay in Afar askari ay weerarkaas uga dhinteen, ayna uga dhaawacmeen lix kale, inkatsoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan tirada ciidamada Uganda uga dhintay weerarkaas.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay ku dlieen 59-askari oo ciidamada Uganda ka tirsan, sidoo kalena ay tiro intaas ka badan ku dhaawacmeen, basle sarkaal u hadlay dowladda Somalia ayaa sheegay in 46-askari oo ciidamada Uganda ka tirsan weerarkaas lagu dliay.

Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa ka mid noqonaya midkii ugu xumaa ee lala beegsado ciidamada  AMISOM ee Somalia ku sugan, iyadoo dalka Uganda la geeyay maydadka sideed askari oo la sheegay in lagu dilay weerarkii Buulo-mareer.

PUNTLAND POST