Xukuumadda Jarmalka oo ka dhawaajisay in ay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya


Muqdisho (PP) ─
Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in siddeed sano kaddib ay soo gaba-gabeysay hawlgalkii ay ku tababaraysay ciidamada Soomaaliya, dhammaan ciidamadeeda ku sugan Soomaaliyana ay dib ugu laabanayaan saldhigga ciidamada Jarmalka ee Bundeswehr.

Dib u laabashada ciidamada Jarmalka ee Somalia ku sugnaa, ayaa waxaa xaqiijiyay afhayeeka wasaaradda gaashaandhigga ee Jarmalka oo Maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Baarliin.

Afhayeenka ayaa sheegaey in xukuumaddiisu ay bishii Feberaayo sheegtay inay ciidamadooda la baxayaan, kaddib markii ay dhibaatooyin kala kulmeen tababarka, isagoo intaa uu ku daray inay bixitaankooda qayb ka tahay amni-darro ka jirta Soomaaliya.

“Waxyaabaha nagu kallifay inaan ka baxno Somalia waxaa ka mid ah iyadoo uu jiro muran siyaasadeed oo soo jiitamayay iyo iyadoo aan la hayn qalabkii lagu hubeyn lahaa ciidamada Soomaalida, kaddib marka la tababaro,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ciidamada Jarmalka ayaa waxay tan iyo bishii Maarso ee sannadkii 2010-kii ka mid ahaa ciidamada Midowga Afrika ee tababarrada siiya ciidamada DF,si dowladda Somalia looga taageero inay ammaankeeda iyada sugato, marka ay dalka ka baxaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Jarmalka uu dhanka siyaasadda ka taageeri doono hawlgalka lagu tababarayo ciidamada xoogga Soomaaliya, isla markaana ay rajeynayaan in ciidamada Somalia uu dhismo.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ay qaaday dowladda Jarmalka ayaa imaanaysa iyadoo hawlgalka Midowga Yurub ee Somalia waqtigiisa laga dhigay 31-ka December 2018-ka, si tababarka ciidamada Somalia loo sii wado.

PUNTLAND POST