Gudoomiye Jawaari oo eedeeyay MD Farmaajo kana Dalbaday xukuumadda inay is-casisho


Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku guul-dareystay inuu kala dhex-galo dhinacyada khilaafka u dhaxeeyay, isagoo xusay in maalinkii uu baajinayay kulankii Sabtida uu qabsaday muddo 10-maalin in lagu xalinayo khilaafka, balse aanay arrintaas waxba ka suuro-gelin.

Prof. Jawaari ayaa intaas ku daray in meeshii uu ka sugayay madaxweynaha soo jeedin odayinimo iyo wixii sharci la raaco iyo in la isugu keeno labada dhinac uu ku guuldareystay, isla markaana isaga uu ku yiri is casil, taasna ay tahay wax aan la aqbali karin.

Sidoo kale, Jawaari ayaa xusay in xukuumadda ay howsheeda gabtay, isla markaana loo baahan yahay iyadu inay is-casisho, wuxuuna intaa ku daray in qalalaase badan ay abuureen, kuna kaceen falal aan fiicneyn, sida inay ku talax tageen xormadii Baarlamaanka sida uu hadalka u dhigay.

“Waa wax lala yaabo in xukuumaddu ay tiraahdo lama shaqeyn karno guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaan doonayaa inaan qeexo arrin dastuuri ah, annaga uma joogno inaan u shaqeyno xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is-casili maayo, iyada ha is-casisho,” ayuu yiri Jawaari ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Guddoomiye Jawaari ayaa sharci-darro ku tilmaamay kulanka maalinta berri ah uu iclaamiyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey, isagoo ka digay wixii cawaaqib xumo ee yimaada uu mas’uul ka noqon doono Madaxweyne Farmaajo.

Afhayeenka baarlamaanka wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu dhinac la jiro, isla markaana kulanka berri la qaban qaabinayo uu isaga fasaxay sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn, Hadallada kulul ee guddoomiye Jawaari ayaa u muuqda kuwo sii adkeynaya khilaafka ka dhex aloosan golaha fulinta iyo golaha sharci-dajinta Soomaaliya, kaasoo soo jiitamayay muddo toddobaadyo ah.

PUNTLAND POST