Israa’iil oo baajisay Qorshe ay doonaysay in Dalkeeda ay uga ku Musaafuriso Afrikaanka

Tel Aviv (PP) ─ Israa’iil ayaa baajisay oo meesha ka saartay qorshihii ay ku doonaysay in ay ku dhoofiso muhaajiriinta Afrikanka ah ee dalkaasi ku nool. Tillaabadni ayaa ka dambaysay ka dib heshiis ay gaareen xukuumadda Israa’iil iyo hay’ada qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

In ka badan 16,000 oo magangalyo doon ah ayaa dib u dajin laga siin doonaa wadamada reer Galbeedka oo aan la carab baabin , sida uu sheegay xafiiska ra’isul wasaare Benjamin Netanyahu.

Tirada hartay oo dhan 18,000 oo qof ayaa deganaanshiyo joogta ah laga siin doonaa Israa’iil sida ay warbaahinta Israa’iil ku warantay.

Maxkamadda ugu sareysa Israa’iil ayaa joojisay musaafurinta dadkani oo dhici lahayd Axaddii aanu soo dhaafnay.

Qorshaha lagu doonayay in dadkani muhaajiriinta ah dib loogu celiyo Afrika gaar ahaan Uganda iyo Ruwanda ayaa waxaa cambaareeyay kooxaha xuquuqda aadanaha Israa’iil waxaana ka dhashay dibadbaxyo.

Qorshahan imika cusub waxaa lagu wadaa in lagu dhaqan galiyo muddo ka badan shan sano.

Xafiiska Mr Netanyahu ayaa ku tilmaamay heshiiskan “mid aan caadi ahayn”.

“is afgaradkani waxa uu waddada u xaarayaa in Israa’iil laga qaado tira badan oo soo galooti ah taasi oo Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka ay maalgalinayaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qaxootiga Israa’iil ku sugan ayaa waxa ay intooda badan ka soo jeedaan Eritrea – oo ah dal uu hal xisbi ka taliyo islamarkana hogaamiyayaashiisa lagu eedeeyya tacadiyo ka dhan ah aadanaha.

Waxay dadkan sheegeen in ay ka soo qaxeen halis ka jirta dalkooda islamarkana in dib loogu laabto ay adagtahay.

Balse Israa’iil ayaa u aragta aqlabiyada Afrikanka magangalyo doonka ah in ay yihiin dad dhaqaala doon ah.

Ugu dabmeyn, Qaar badan oo dadkan ka mid ah ayaa waxay Israa’iil ka soo galeen dhanka Masar dhowr sano ka hor inta aan darbiga laga dhisin xuduuda lama degaanka ah. Arrintani ayaa imika soo afjartay safar dheer oo dhanka sharciga ah.

Xigasho BBC

PUNTLAND POST