Uganda oo shaacisay tirada Askartii looga dilay Weerarkii Al-shabaab ee Buulo-Mareer

Muqdisho (PP) ─ Afar Askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayay dowladda Uganda sheegtay in lagu dilay weerarkii ay shalay Al-shabaab ku qaadday saldhigga AMISOM ee deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda, Brig. Richard Karemire ayaa laga soo xigtay in sidoo kale weerarkaas lagu dhaawacay lix ka mid ah askartooda, isla markaana ay iska caabiyeen weerarkii ay soo qaaday Al-shabaab.

Warkan ayaa wuxuu meesha ka saarayaa sheegashadii Al-shabaab ee ahayd in 59-askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda lagu dilay weerarkii saldhigga Buulo-mareer.

Sidoo kale, Taliska AMISOM oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in 30 ka mid ah xoogagga Al-shabaab lagu dilay weerarradii ay Al-shabaab shalya ku qaadeen saldhigyada AMISOM ay ku leedahay deegaannada Qoryooleey, Buulo-mareer iyo Golweyn oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in looga dilay weerarradii ay shalay qaadaya 14 ka mid ah xoogaggeeda, inkastoo AMISOM ay tiradaas dhimasho gaarsiisay 30 Al-shabaab ah.

Dhanka kale, AMISOM ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay gubeen in ka badan siddeed baabuurta dagaalka ah oo ay Al-shabaab weeraradeeda kusoo qaaday, isla markaana looga furay hub kala duwan oo ay ku jiraan kuwa daran-doorriga u dhaca.

Ugu dambeyn, Weerarka saldhigga Buulo-mareer oo ku billowday Qaraxyo gaari ayaa waxaa xigay dagaal culus oo saacado socday, iyadoo dadka ku nool deegaankaas ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha dagaalka ka dhashay.

PUNTLAND POST