Askar AMISOM ah oo lagu dhaawacay Rasaas ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Jowhar

Jowhar (PP) ─ Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM ee ka hawl-gala degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen rasaas lagu furay diyaarad kuwa jaadka ah oo ka degi lahayd garoonka diyaaradaha Jowhar.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askartan ay isku dayeen inay ka hor-tagaan in la rasaaseeyo diyaaradda jaadka waday, taasoo doonaysay inay caga-dhigato garoonka diyaaradaha Jowhar si ay u daji jaad ka keenay Kenya.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay dib uga laabtay garoonka iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo gaaray, Waxaana la sheegayaan in xiisaddan ay salka ku hayso xifaaltan u dhexeeya ganacsatada jaadka ee magaaladaas.

Ciidamada rasaaseeyay diyaaradda ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen kuwa millateriga Somalia, kuwaasoo wararku ay sheegayaan inay qaab beel ahaan ah ula safteen qaar ka mid ah ganacsatada Jaadka geeya degmada Jowhar oo xarun u ah maamulka HirShabeelle.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in diyaarado kale oo jaad waday ay ka dageen degmada Jowhar, kuwaasoo ay lahaayeen ganacsato kale oo iyagana jaadka geeya degmada Jowhar, mana jirto wax war ah oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay maamulka degmada Jowhar iyo maamulka guud.

Garoonka diyaaradaha oo qiyaastii 10-km dhanka waqooyi uga beegan degmada Jowhar, ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamada AMISOM, inkastoo aysan jirin wax war ah oo ku aaddan dhaawacyada soo gaaray askartooda ku sugan garoonka degmadaas.

Dhanka kale, Xiisad weyn oo dhanka ganacsiga jaadka ah ayaa ka taagan degmada Jowhar, iyadoo marduufkii jaadka ah uu ka marayo magaaladaas 10 doollar, halka markii hore uu ka ahaa 30 doollar.

Ugu dambeyn, Jowhar ayaa wuxuu jaadka uga imaan jiray Muqdisho, balse dadaallo badan oo uu sameeyay maamulka Hirshabelle ayaa sababay inuu jaadka si toos ah uga dago garoonka diyaaradaha Jowhar.

PUNTLAND POST