Abiy Ahmed oo Maanta loo Dhaariyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isagoo sheegay inuu…

Addis Ababa (PP) ─ Abiy Ahmed ayaa maanta loo dhaariyay inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya, isgaoo dhaarintiisa kaddib ka hadlay arrimo badan oo uu sheegay inuu wax ka qaban doono inta uu xafiiska joogo.

Ahmed oo kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, isla markaana ah Muslim ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii saddexaad ee ay Itoobiya yeelato tan iyo markii xilka laga tuuray dowladdii uu hoggaaminayay Col. Mingistu Hailemariam.

Dhaartiisa kaddib ayuu jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, taas oo uu ku sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo ay muujin doono dul-qaad, isla markaana ay ogolaanayso in shacabku ay sameeyaan dibadbaxyo nabadeed.

“Shacabka Itoobiya ee ku nool gudaha iyo dibadda, waxaan doonayaa inay is-cafiyaan, isla markaana ay dowladda la shaqeeyaan si dalku horumar iyo amni ugu tallaabsado,” ayuu khudbadiisa ku yiri Abiy Ahmed.

Sidoo kale, Wuxuu ka hadlay dalalka Afrika iyo kuwa ay dariska yihiin, isagoo sheegay in Itoobiya ay ixtiraamayso dhammaan qaanuunnada u dagsan dalalka Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan dalalka ay dariska yihiin; sida Somalia.

“Waxaanu ixtiraam u haynaa qaanuunnada dalalka dariska nala ah, waxaana kula dhaqmi doonnaa iskaashi iyo fikir wadaag,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo ka dalbaday madaxda dalalkaas inay la shaqeeyaan xukuumaddiisa.

Dhanka kale, Wuxuu si taxadar leh uga hadlay xiisadda kala dhexeysa dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea, isagoo sheegay inuu doonayo in xiisaddan labada dal u dhexeysa lagu dhameeyo wadahadal iyo nabad.

“Xiisadda colaadeed ee u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea waxaan doonaynaa in si nabadeed ay ku dhamaato, mana ogolaan karno in colaadu ay sii socoto,” ayuu hadalkiisa ku daray Abiy Ahmed oo intaas ku daray in xiriirro badan ay ka dhexeeya labada shacab.

Mar uu ka hadlayay arrintaas ayuu yiri. “Shacabka Itoobiya iyo kan Ertirea waxaa ka dhexeeya xiriiro kala duwan oo ay ka mid tahay inay yihiin shacab dhiig-wadaaga oo aan sinna u kala maarmin.”

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inay khadadka taleefoonka ugu hambalyeeyeen ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya, inkastoo aan la sheegin mas’uul kale oo Soomaaliyeedoo u hambalyeeyay Abiy Ahmed.

Dhanka kale, Mas’uuliyiintii ka hadlay goobta ayaa iyaguna muujiyay sida ay ugu fraxsan yihiin in Abiy Ahmed loo dhaariyo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya, waxayna kula dardaarmeen in hawsha uu halkeedii kasii wado.

Ugu dambeyn, Abiy Ahmed oo 42-jir ah ayaa wuxuu ka mid ahaa ciidamada Itoobiya, isagoo ka gaaray darajada Koneyl, wuxuuna sidoo kale horay u soo noqday wasiirka sayniska iyo tiknolojiyada Itoobiya.

PUNTLAND POST