Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiillada QM iyo Midowga Afrika

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si wadajir ah u qaabilay guddiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika u qaabilsan dhaqaale u raadinta ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Farmaajo ayaa la wadaagay masuuliyantan ahmiyadda ay leedahay in lasii dar-dar-geliyo wada-shaqeynta AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Somalia, dadaallada lagu xaqiijinayo sidii kooxaha nabad diidka ah looga sifeyn lahaa dalka iyo in ciidamada Soomaaliyeed loo diyaariyo qaabkii ay ula wareegi lahaayeen masuuliyadda amniga guud ee dalka.

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa bogaadiyey qorshaha uu Madaxweynaha hormuudka ka yahay ee lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoona muujiyeey sida Beesha Caalamka uga go’antahay garab istaaga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wakiillada ayaa isla soo qaaday in Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya dhaqaale u raadinta Ciidamada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha DF oo dhawrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ku shaqeynayay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ahmiyad sare siinaya dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.

Ugu dambeyn, Wafdigan waxaa hoggaaminayey Jean-Marie Guehenno iyo Ramtana Lamamra oo madax u ah Guddiga Dhaqaale u raadinta Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Danjireyaasha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya Michael Keating iyo Francisco Madeira. Dhanka Dowladda Federaalka Waxaa kulankan ku wehlinayay La-taliyaha Amniga Qaranka Mudane Cabdi Saciid Muuse.

PUNTLAND POST