Al-shabaab oo weerartay xero ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin Shabeellada Hoose

Muqdisho (PP) ─ Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar culus Maanta la beegsaday saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaankan ayaa sheegaya in weerarka lagu bilaabay gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, xilli ay ciidmada saldhigaas ku sugan ay aysan dhaqdhaqaaq wadin.

Iska-horimaad culus ayaa dhexmaray ciidamada AMISOM iyo xoogaggii ka tirsanaa Al-shabaab ee weeraray, iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay dhawr jaho ka weerareen saldhiggan oo ka mid ah saldhiyada AMISOM ay ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose, lamana oga khasaaraha weerarkan ka dhashay.

Sidoo kale, Wararkan ayaa la sheegay inuu la mid yahay weerarro ay horay Al-shabaab ugu qaadeen saldhigyo badan oo ciidammo AMISOM ay gobolka ku leeyihiin, kuwaasoo dhaliyay kahsaare nafeed oo baaxad weyn.

Dhanka kale, Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin weerarkan la sheegay in lagu ekeeyay saldhiggooda ku yaalla deegaanka Buulo-mareer, kaasoo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.

Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo AMISOM ay u dabaal-dagayaan sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegtay markii ay hawl-gakooda ka billaabeen Soomaaliya.

Wixii warar ah ee kusoo kordha weerarkan waxaad kula socon doonaan wararka soo socd ee PUNTLAND POST haddii Eebbe ogolaado.

PUNTLAND POST