Al-shabaab oo sheegtay inay Askar badan oo AMISOM ah ku dishay Weerarkii Buulo-mareer

Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay 59-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM ku dileen weerar culus oo ay maanta ku qaadeen saldhig ay Ciidanka AMISOM ku lahayd deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Kooxda ayaa sheegtay in dhankooda ay uga dhinteen weerarkan 14 ka mid ah xoogagooda, balse ma sheegin dhaawacyada soo gaaray iyo mid ay u geysteen ciidamadii ay la dagaalameen.

Shacabka deegaanka Buulo-mareer ayaa sheegay in dagaal culus uu qarxay kaddib markii Al-shabaab ay qaraxyo culus ku weerartay saldhigga AMISOM ee deegaankooda, balse waxay sheegeen inaysan ogaan Karin khasaaraha labadan dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.

“Weerarkan waxaan u dilnay 59 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee ku leh saldhigga deegaanka  Buulo-mareer,” ayuu yiri afhayeenka hawl-gallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-muscab.

Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in weerarro kale ay la beegsadeen illaa shan saldhig oo kale oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Shabeellada Hoose, balse ma jiraan ilo wareedyo madax-bannaan oo warkan xaqiijinaya.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo iyana la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Al-shabaab ay weerar culus kusoo qaaday saldhigga AMISOM ee Buulo-mareer, balse la iska caabiyay, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Taliska AMISOM – ayaan weli ka haldin weerarka Al-shabaab ay maanta la beegsatay saldhigga ciidamadooda ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab weerarro kuwan oo kale ah ay la beegsato saldhigyada AMISOM ay ku leedahay dalka, iyagoo weerarro hore oo ay qaadeen ku dilay tiro badan oo ciidanka AMISOM ah.

PUNTLAND POST