Madaxweyne Farmaajo oo hakiyay kulankii Baarlamaanka ee Maanta loo ballansanaa

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hakiyay kulankii baarlamaanka ee maanta loo balansanaa, xilli ay cirka isku shareertay xiisada u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Xukuumadda ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somalia, C/nuur Maxamed Axmed ayaa xaqiijiyay in la hakiyay kulankii Baarlamaanka Somalia ee maanta loo balansanaa, kaddib soo jeedin ka timid madaxweynaha.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid lagu baajinayo qalalaase iyo fowdo ka dhex billowda baarlamaanka, haddii uu kulanka furmo, waxaana tan iyo xalay soo baxayay hadalo dhiilo ah oo labada dhinac ay hawada isku marinayeen.

Madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka hadlin xiisada ka dhex billaabatay golaha shacabka ayaa haatan u muuqda mid ku soo baxay oo soo fara-geliyay xaalada cirka isku shareertay., kaddib baaqyo kala duwan oo ka soo baxay siyaasiyiinta iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ku taliyay in xaalada la dejiyo, loona tanaasulo danta dalka.

Sidoo kale, Labada dhinac ee iska soo hor-jeeda ayaa labo ajande oo kala gaar ahaa ku balansanaa kulanka maanta, taasoo xaaladda ka dhigtay mid cakirnaanta, isla markaana hawada la isku mariyo hanjabaado kulul oo midba midka kale uu ku difaacayo ajandahiisa.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay guddoomiye Jawaari ayaa iyagu ku adkeysanayay in kulanka maanta ee Sabtida looga doodo kulanka baarlamaanka, halka xildhibaanada ka soo horjeeda oo qaba in Mooshinka uu jabay ajandahooda ahaa in looga doodo kulanka arrinta Beledxaawo ee darbiga Kenya ka dhiseyso.

Dhanka kale, War-saxaafadeed kasoo baxay guddoomiye Jawaari oo xalay uu saxaafadda u akhriyay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad, Mahad Cawad ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu gabay xilkii ka saarnaa ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka ee kala madax banaanida Hey’addaha sharci dejinta, fulinta iyo garsoorka, waxaana si toos ah ay u sheegeen in Madaxweynuhu ku lug yeeshay khilaafka taagan oo dhinaca Xukuumadda la saftay.

Ugu dmabeyn, Amniga Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyin badan, iyadoo ciidamo Boolis ah ay la wareegeen xarunta Baarlamaanka.

PUNTLAND POST