Prof. Jawaari oo ka hadlay Ciidanka la dul-dhigay xarunta Baarlamaanka iyo Qodobo kale

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa farriin u diray Ra’iisul Wasaaraha Somaia, Xasan Cali Kheyre, isagoo ugu baaqay in Xukuumadda faraha kala baxdo howlaha Baarlamaanka.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in aanay weli dhicin in Baarlamanaka ciidan la dul keeno, isla markaana ay tahay saan saan qatar ah oo ah dareen u eg afgambi, waxaa uu ka digay in xaalada in aan looga darin.

“Weli ma dhicin in xaruntii Baarlamaanka ee xormada lahayd ciidan la dul dhigo, amniga xarunta wuxuu saaran yahay guddoonka, hase yeeshee arrinta lagu kacay ma qurux badna waxayna keeni kartaa arrimo ka sii culus oo xasilooni darro ayaa ka imaan karta, waxaan uga digayaa laanta fulinta inay faragelinta naga dhaafaan, inay ciidamada ka dul qaado xarunta Baarlamaanka Somalia, kana deyso fara-gelinta,” ayuu Guddoomiye Jawaari.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Baarlamaanka Somalia aanay wax fara-gelin iyo carqalad ku heyn Xukuumadda, inay shaqadeeda ku taageeraan, isla markaana arrin masiiri ah oo ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen aanay ka diidan.

Ugu dambeyn, Jawaari oo shirkiisa jaraa’id uu dheeraa ayaa Xildhibaanada baarlamaanka xusuusiyay dhaartii ay mareen, isagoo ugu baaqay Alle ka cabsi iyo inay damiirkooda la tashadaan, kana digtoonaadaan burburinta baarlamaanka.

HADDABA, DAAWO SHIRKII JARAA’ID EE GUDDOOMIYE JAWAARI;

 

PUNTLAND POST