Cabdiweli Muudey oo sheegay in Mooshinka Jawaari laga doodi doono Sabtida berri ah


Muqdisho (PP) ─
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Somalia, C/weli Ibraahim Muudey ayaa soo saarey qoraal uu mar kale ku caddeeyay in Sabtida berri ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ee golaha shacabka ay u fariisan doonaan Mooshinka laga keenay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaano ku dhaw 100 ayaa shalay sheegay in uu buray mooshink aanan lagu horkeenin baarlamaanka muddadii 10 maalmood ahayd ee loo qabtay sida uu qabo xeer hoosaadka golaha shacabka.

Shir jaraa’id oo uu xalay qabtay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Prof. Jawaari ayuu ku sheegay in berri ay xildhibaanadu yeelan doonaan kulamadii caadiga ahaa.

Ugu dambeyn, Guddigii Aqalka sare ee loo saaray mooshinka inay xalliyaan ayaa shalay sheegay inay xallin waayeen mooshinka, iyadoo guddigaas la kala diray, lama oga muranka mooshinka oo daba-dheeraaday halka uu ku dambeyn doono.

HADDABA, AKHRISO QORAALKA GUDDOOMIYE KU XIGEENKA BAARLAAMANKA SOMALIA;

PUNTLAND POST