AMISOM oo billowday diiwaan-gelinta ciidamo qayb ka noqon doona booliiska Jubbaland

Kismaayo (PP) ─ Hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia [AMISOM], ayaa maanta oo Jimco ah sheegay inay billaabeen diiwaan-gelinta ciidammo gaar ah oo qayb ka noqon doona kuwa amniga maamul-goboleedka Jubbaland, si ay qayb uga qaataan sugida amniga guud ee deegaannada maamulkaas.

Xiriiriyaha ciidamada booliiska AMISOM ee ka hawlgalka degmada Kismaayo, Martin Abili ayaa sheegay in illaa 5,000 oo malleeshiyaad ah laga diiwaan-gelin doono gobollada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe.

“Tallaabadan waa qorshe lagu horumarinayo booliiska maamulka Jubbaland, taasoo qayb ka ah ilaalinta sharciga iyo amniga deegaannada maamulka,” ayuu Abili ku yiri bayaan ay AMISOM kasoo saartay Muqdisho.

Sidoo kale, sarkaalkan wuxuu sheegay in qof walba oo ciidamadan ka mid noqonaya lagu diiwaan-geliyo si sharci ah, isla markaana laga qaadi doono sawir iyo sawir dhanka faraha ah.

“Qorshahana wuxuu qayb weyn ka yahay dib u habeynta ciidamada amniga Somalia, sidoo kalena wuxuu fursad u yahay qorshaha dib loogu habeynayo hay’adaha ammaanka dalka,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay Martin Abili.

Dhanka kale, Taliyaha ciidamada difaaca Jubbaland, Jen. Aadan Maxamuud Ibraahim ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid guul u ah gobolka, isagoo ku daray hadalkiisa.

“Waxaan diyaar u nahay inaan ciidamadeenna oo dhan diiwaan-gelinno si ay amniga deegaannadeenna uga shaqeeyaan. Qorshahanna waa mid horumar u horseedaya gabi ahaan Somalia.”

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo AMISOM ay ka billowdo deegaannada Jubbooyinka, inkastoo ay horay mashaariic noocan oo kale ah  ay horay uga fulisay deegaanno kala duwan.

PUNTLAND POST