Mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adda ICRC oo lagu Dilay Qarax lagula eegtay Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Hay’adda Laan-qeynta Cas ee ICRC ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalahooda uu ku dhintay Muqdisho, kaddib markii gaarigiisa uu ku qarxay meel ku dhaw xarunta Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo ku taalla agagaarka Isgoyska Zope ee Muqdisho.

C/xafiid Yuusuf Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha ICRC ayaa la sheegay inuu dhaawac ahaan ugu dhintay isbitaal ku yaalla Muqdisho, kaddib markii uu ku dhaawacmay qaraxa gaarigiisa lala beegsaday oo ahaa mid lagu soo xiray.

“Waxaan aad uga xunnahay geerida C/xafiid oo ka mid ahaa shaqaalaheena ka hawlgala Somalia,” ayuu yiri Simon Brooks oo ah madaxa madaxa hawl-gallada hay’adda ICRC ee Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray. “Waxaan u diraynaa tacsi qoyskiisa iyo intii jeclayd oo xaalad adag ku jira.”

Sidoo kale, hay’adda ayaa sheegtay in marxuum C/xafiid uu hay’addooda ku soo biiray shan bilood ka hor, isagoo ahaa madaxa isku-xirka iyo sharciga ee hay’adda ICRC. Waxayna hay’addu sheegtay in kaalin weyn uu ka qaatay sidii dadka loogu wacyi-gelin lahaa shuruucda dagaalka iyo kuwa la xiriira xuquuqda aadanaha.

“C/xafiid wuxuu kaalin muuqata ka qaatay difaacidda dadka shacabka ah ee ay saameynta xooggan ku yeesheen colaadaha iyo rabshadaha xilligan jira. Dilkiisna wuxuu qayb ka noqonayaa beegsiga dadka ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimada,” ayuu hadalkiisa ku daray Brooks.

Dhanka kale, C/xafiid Yuusuf Ibraahim oo ahaa wiil dhallinyaro ah, wuxuu ifka uga tagay xaad iyo laba gabdhood oo ay u dhashay, kuwaasoo da’doodu ay kala tagay laba sano jir iyo sanad jir.

Ugu dambeyn, Ruux kale oo ka tirsan shaqaalaha ICRC oo gaariga la saarnaa ayaa isagana dhaawac fudud uu kasoo gaaray qaraxii gaariga loogu xiray sarkaalka dhintay, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysa in qarax lala beegsado shaqaale ka tirsan ICRC.

PUNTLAND POST