Guddiga xalllinka khilaafka mooshinka oo sheegay inay xalin waayeen khilaafka jira


Muqdisho (PP) ─
Golaha Aqalka Sare ee Golaha Barlamaanka Somalia ayaa sheegay inay u taag waayeen xalinta ay ka dhax-wadeen Golaha Shacabka, kaasoo ku aadan khilaafka cirka isku sii sheeraya ee ka dhax-taagan Golaha oo ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari.

Gudiga loo xil-saaray xil saareen xalinta khilaafkaas ayaa kulammo dhawr ah oo saacado qaatay ay la yeeshay labada dhinac ee kala ah kuwa Mooshinka wada iyo kuwa diiddan ee la safan gudoomiye Jawaari, Gudiga ayaa xusay in ay ku adkaatay in ay isku soo dhaweeyaan dhinacyadaan iyo in khilaafka lagu dhameeyo waxa uu sharciga ka qabo.

Sidoo kale, guddigan ayaa sheegay in qodobada la isku mari la’yahay ay ka mid yihiin: In ciidamadii la geeyay xarunta golaha shacabka laga qaado iyo xilliga baarlamaanka la hor-geynayo mooshinka.

Guddiga Aqalka Sare ayaa horay u soo saaray in mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari lagu hor-geeyo Baarlamaanka muddo 10 maalmood ah oo kasoo bilaabata 18-ka bishan, kuna eg 28-ka bishan oo shalay ku ekayd, balse aysan suura galin in muddadaas lagu dhameeyo khilaafka mooshinkan ka dhashay.

Dhanka kale, go’aanka kasoo baxay golaha Aqalka sare ayaa imaanaya xilli go`aan midkan oo kala ah uu kasoo baxay gudiga badbaadada golaha shacabka la magac-baxay, kuwaasoo ku dhawaaqay inuu buray mooshinkii isla markaana lagu qaban waayay mudadii lagu balamay, inkastoo go’aankaas ay ka hor–yimaadeen xildhibaanada wada mooshinka oo xusay in mooshinka uu wali halkiisii yahay.

Ugu dambeyn, Khilaafkan taagan ayaa hakad geliyay gabi ahaan hawlihii ay hay’adaha dowladdu u hayeen shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aan la ogeyn halka uu salka dhigan doono mooshinkan.

PUNTLAND POST