Waa kuma Hogaamiyaha cusub ee loo doortay inuu hoggaamiyo Xisbiga Xukuma Itoobiya?

Muqdisho (PP) ─ Isbahaysiga xukuma Itoobiya, ayaa doortay hogaamiye cusub oo ka dhashay qoomiyadda Oromo oo ku dhawaad muddo saddex sanadooda ahaa dadka ugu badan ee waday mudaharaadyo dawladda lagaga soo horjeedo.

Abiy Ahmed ayaa helay in ka badan 60% codadkii la dhiibtay, sida ay faafisay warbaahinta dawladda xidhiidhka la lihi.

Doorashadaasi waxay dhabbaha u xaadhaysaa sidii uu xilka ra’isal wasaarenimo ugala wareegi lahaa Hailemariam Desalegn oo bishii hore is casilay. Waxaana dalka lagu soo rogay xaalad degdeg ah maalintii ka dambaysay markii uu is casilay.

War laga sii daayay idaacadda xukuumadda ayaa sheegtay in xaaladda deg-degga ahi ahayd ma huraan lagu xakamaynayo mawjadaha mudaharaadada ah ee dawladda lagaga soo horjeedo ee dalka oo dhan ka kacsanaa ilaa 2015, kuwaas oo ay sababeen arrimo door ah oo ay shacabku tabanayeen.

Waxa jirta rajo ah in isbedelka hogaanka sare suurto gelin doono in wax laga qabto tabashooyinkaa qaarkood.

Haddaba waa kuma hoggaamiyahan cusub ee la doortay.  Abiy oo loo arkayey inuu ahaa ka ugu cadcad ragga tartanka ugu jiray buuxinta jagada uu banneeyey ra’isal wasaarihii is casilay, waa hogaamiyaha xisbiga Oromo People’s Democratic Organization (OPDO) oo ah mid ka mida afarta xisbi qawmiyadeed ee uu ka koobanyahay isbahaysiga talada dalka haya ee Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF).

Dadka falanqeeya siyaasadda waxaya ku sheegaan inuu yahay siyaasi fiiro dheer oo aqoon ciidan iyo mid tacliineed oo heer sare ah leh. Wuxuu ku dhashay magaalada Agaro ee gobolka Oromia oo waxa dhalay qoys iskugu jira Masiixiyiin iyo Muslimiin. Waa 42 jir waxaanu xisbiga OPDO ku biiray dabayaaqadii sideetameeyadii.

Wuxu galay ciidanka oo waxa uu ka gaadhay darajada Kornayl, sidoo kale waxa uu ka mid noqday ciidamo nabad ilaalineed oo Ethiopian ah oo Qaramda Midoobay u dirtay Rwanda.

Wuxu ahaa ninkii aasaasay isla markaana agaasimaha ka noqday wakaaladda nabad gelyada internet-ka ee dalka intii u dhaxaysay 2009 iyo 2012, ka dibna waxa uu noqday wasiirka Sayniska iyo Tiknoolajiyadda.

Dad badan baa waxay u arkaan in uu yahay qof hadallo cadcad oo karti leh, gaar ahaan dhinaca hogaaminta dad isku wadka leh.

Waxa la rumaysanyahay in Abiy uu taageero wayn ka haysto dhalinyarada Oromada iyo sidoo kale qoomiyadaha kale.

Ugu dambeyn, Dadka dhaliilaa se waxay leeyihiin maadaama oo uu xubin keliya ka yahay isbahaysiga talada haya, awood u yeelan maayo in uu is-bedellada badan ee dadka mudaharaadayaa doonayaan meel mariyo.

PUNTLAND POST