Qoxootiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab ku nool oo doonaya inay Dalkooda ku laabtaan


Muqdisho (PP) ─
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay in dad badan oo Soomaali ah oo ku sugan xeryaha Dhadhaab ee Kenya ay doonayaan inay waddankooda ku laabtaan bilaha soo socda.

UNHCR ayaa sheegtay in dib u laabaashada dadkan ay ku xiran tahay hadba sida ay u furanto waddada looga gudbayo xuduudda Soomaaliya ee Libooy, si ay dadkan ugu laabtaan deegaannadooda.

Waddada ayaa la xiray 10-bilood ka hor sababo la xiriira nabadgelyo-xumo iyo roobab culus, iyadoo dib-u-dhac uu ku yimid marinnadii hawada ee lagu gaarsiinayay dadkan Muqdisho iyo Kisamayo.

“Waxaan diyaarinaynaa gaadiidkii dadkaan qaadi lahaa, waxaana lagu wadaa in dadka doonaya inay dalkooda ku laabtaan ay kordhaan,” ayaa warbixinta Hay’adda UNHCR lagu yiri.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in tan iyo bishii Feberaayo ee lasoo dhaafay ay Somalia ku laabteen 1,315 qaxooti, kuwaasoo iskood u doortay in dalkooda ay dib ugu laabtaan.

Hay’adda Qoxootiga Dunida ayaa ustay in in 75,157 qof oo Qoxooti ku ahaa xeryaha Dhadhaab ay dib ugu laabteen dalkooda saddexdii sano ee lasoo dhaafay. Iyadoo intaas ku dartay in qoxootiga haatan ku jira Dhadhaab ay tiradoodu tahay 231,103 oo qof.

Dowladda Kenya ayaa sannado ka hor sheegtay inay xirayso xeryaha Dhadhaab oo ku nool yihiin Qoxooti Soomaaliyeed oo ka cararay colaadaha iyo abaaraha ku dhuftay Soomaaliya, inkastoo ay dib uga laabtay inay xirto.

Ugu dambeyn, Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR ayaa sheegtay inay qorsheynayso inay ka shaqeyso sidii Qoxootiga Soomaaliyeed si iskood dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.

PUNTLAND POST