Warbaahinta Dowladda oo laga mamnuucay in laga baahiyo Wararka Gudoomiye Jawaari

Muqdisho (PP) ─ Warbaahinta Dowladda Somalia ayaa laga joojiyay inay baahiyaan Wararka Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya marka laga reebo guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah.

Telefishanka SNTV, Radio Muqdisho iyo wakaaladaha Wararka SONNA oo ay wehliyaan baraha ay Internet-ka ku leeyihiin ayaa lagu wargeliyay inaysan baahin karin wararka  guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo guddoonka kale ee la safan sida guddiga fulinta iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad C/lla Cawad.

Sidoo kale, Warbaahinta dowladda ayaa tan iyo markii uu soo shaac-baxay mooshinka Jawaari waxay dhegaha ka fureysteen bahinta wararka la xiriira Guddoomiye Jawaari oo weli ah guddoomiyaha sharciga ah ee Baarlamanka, waxayna arrintan ka danbeysay amar wasaaradda warfaafinta uga yimid xukuumadda, iyadoo ay muddo laba Toddobaad gudahood ah booqdeen Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo ku-xigeenkiisa.

Dhanka kale, Warbaahinta Dowladda Somalia ayaa baahisa wararka kasoo baxa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey  oo lagu eedeeyo inuu la saftay xukuumadda, waxyana tani sii xoojisay in warbaahinta dowladdu noqotay mid u kala xaglisa hay’adaha dowladda.

Khilaafaadkii hore u soo dhex-galay madaxda dowladdii hore ee Dalka ayay Warbaahinta Dowladda si isku mida u baahan jirtay Mowqifyadal labada dhinac, inkastoo khilaafaasi ahaa mid inta badan u dhaxeeyay xukuumadda iyo madaxweynaha, waxaana dhici jirtay inay madaxtooyada soo fara-geliso mararka qaarkood.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta DF isagoo warbixin ka dhageystay shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda warfaafinta.

PUNTLAND POST