Dowlada Somalia oo Maanta Qoraal Dacwad ah ka Gudbiyay Dalka Imaaraadka Carabta

Muqdisho (PP) ─ Safiirka Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cismaan [Baalle] ayaa dacwad ka dhan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta u gudbiyay Golaha Ammaanka ee QM, isagoo xusay in Imaaraadka Carabta ay ku xad-gudubtay Qaranimada Somalia.

Abuukar Baalle oo qudbad u jeediyay Golaha Ammaanka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Madaxweynaha cusub ee golaha ammaanka Khdbadiisa oo ka koobneyd saddex bog ayaa wuxuu ku eedeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta heshiiska ay shirkada DP World la gashay maamulka la magic-baxay Somaliland waxana uu sheegay danjiruhu inay tahay xadgudub lagula kacay xornimada iyo madax banaanida dalka Soomaaliya.

“Dowladda Somalia waxay si kulul u cambaareyneysaa xadgudubka lagula kacay waxayna qaadi doonto wax walba oo ay ku ilaalin karto Qaranimadeeda iyo jiritaankeeda,” ayuu yiri Abuukar Baalle.

Sidoo kale, khudbadiisa ayuu danjiruhu u sheegay inay heshiiska Waddanka Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Somaliland ay wadagaleen labo sano ka hor taasoo ah in Dowladda Imaaraadka Carabta ay Saldhig Milatari ka sameysato magaalada Berbera uu xad-gudub ku yahay cunoqabataynta saaran dalka Somalia.

Danjire Abuukar Baalle ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey in tallaabada lagama maarmaanka ah ka qaataan arrinta saldhigga Milateri ee Imaaraadka carabta ka dhisanayo Berbera, taasoo uu xusay inay caqabad ku noqon karto cunqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Safirirka Somalia ee QM – ayaa walaac ka muujiyay khudbadaha Madaxda UNSOM ka jeediyaan shirarka arrimaha siyaasadda, kaasoo uu ku sheegay inay si qaldan uga hadlaan arrimaha Soomaaliya.

Abuukar Baalle wuxuu sheegay in Madaxda UNSOM looga baahan yahay inay qaataan mas’uuliyadooda, si waafaqsan waajibaadkooda, isla markaana ka fogaadaan dareenada siyaasadeed ee jira.

Ugu dabmeyn, Danjiraha Soomaaliya ee QM ayaa waxa uu u mahadceliyay Qaramada Midoobay dadaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya ay horumar ugu tallaabsan lahayd.

PUNTLAND POST