Danjiraha Dalka Mauritania ee Soomaaliya oo laga guddoomay Warqadihii Aqoonsiga

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Waraaqaha safiirnimo ka guddoomay danjiraha Jamhuuriyadda Muritaaniya ee loosoo magacabay Somalia, Wadaadi walad-Sayid.

Danjire walad-Sayid ayaa madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday madaxweynaha Muritaaniya, Maxamed walad-C/casiis, isagoo intaa ku daray in dowladda Murataaniya ay ahmiyad gaar ah u leeyahay xiriirka ay la leedahay Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin uu diray safiirka Muritaaniya ee Somalia, wuxuuna uga mahad-celiyey Madaxweynaha dalkaas Maxamed walad-C/casiis  iyo dowladdisaba sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Somalia, isagoona rajeeyey in xiriirkan uu asaas u noqdo iska kaashi buuxa oo dhex mara labada waddan.

Dalka Muriitaaniya ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ku yaalla Waqooyiga Qaaradda Afrika, waxaana danjiraha ay u soo magacaabeen Somalia uu ka mid noqonayaa danjirayaal ay sannadihii u dambeeyay dalalka caalamku u soo magacaabayeen Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay hagaagnay xasilloonida Muqdisho iyo qaybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana soo kordhayay danjirayaasha caalamiga ah ee loosoo magacaabayay Somalia iyo sidoo kale wufuudda dalka imaanaysa.

PUNTLAND POST