IGAD oo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee ka dhex-aloosan hay’adaha Dowladda Somalia

Muqdisho (PP) ─ Urur goboleedka IGAD ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyagoo sheegay in muranka taagan uu dhibaato ku yahay Somalia, isla markaana iyagu ay doonayaan in ay ka hadaaln iyagoo ixtiraamaya madax-bannaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midniada guud ee dalka.

IGAD waxay ka walwalsan tahay oo ay si aad u dhow ula socotaa xiisadda siyaasadeed ee cusub ee ka jirta Somalia, taasoo khatar ku ah horumarka laga gaaray sannadkii lasoo dhaafay, gaar ahaan arrimaha hay’adda sharci-dajinta dalka oo murankooda siyaasadeed uu khatar gelinayo dadaallada ay xukuumadda hadda ku hayso dib-u-habeynta hay’adaha cadaalada iyo kuwa amniga, kordhinta fursadaha dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Warbixinta IGAD ayaa lagu sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ay Somalia gaartay horumarro joogto ah oo ku wajahan dib-u-habeynta adeegyada loo qabto bulshada, kuwaasoo ay ballan-qaadeen madaxda talada dalka haya iyo kuwa maamul-goboleedyada.

Sidoo kale, IGAD waxay soo dhoweynaysaa horumarrada laga gaaray hir-gelinta golaha amniga Qaranka iyo mashruuca nabadgalyada Qaranka, gaar ahaan heshiiskii siyaasadeed ee golaha amniga Qaranka ee 06-dii 10-kii Febraayo, 2018, si loo aqoonsado golaha amniga dowladda oo sii wadaan is-dhex-galka, iyadoo loo marayo dhismaha badbaadada Qaranka.

IGAD waxay soo dhaweynaysaa horumarinta Qorshaha KMG-ka ah oo ku salaysan sugida Amniga deegaanada iyadoo loo eegayo in la fuliyo amniga iyo kala-soo-cida ammaanka ee AMISOM oo loo gudbinayo kuwa Somalia, waxayna u muuqanaysaa inay dhameystirayso howlaha Qaranka iyo fulintooda.

Bayaanka IGAD waxaa lagu amaanay horumarka ballaaran ee ay sameysay dowladda Federaalka Somalia si ay u daboosho shuruudaha barnaamijka IMF ee la socoshada barnaamijka kalsoonida maaliyadda dalka ee SMP oo qayb ka ah ajandaha dib-u-habeynta hay’adaha maaliyadeed ee waddanka.

Dhanka kale, Ururka IGAD wuxuu ka digtay in la car-qaladeeyo xasilloonida siyaasadeed iyo guulaha ay gaartay dowladda federaalka Somalia 12-kii bilood ee lasoo dhaafay, taasoo khatar galinaysa hanaanka xasilinta.

Ugu dambeyn, IGAD waxay ugu baaqaysaa baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia iyo hay’adda fulinta inay gacan ka geystaan ​​sidii loo fududeyn lahaa soo gudbinta qodobbada muhiimka ah ee ku saabsan khariidadda Road Map-ka 2020-ka ee fulinta qaab-dhismeedka Amaanka Qaranka, iyo horumarinta qorshaha gargaarka.

PUNTLAND POST