Dukaamo ay Somali iyo Ajaanib kale leeyihiin oo loogu boobay Waddanka Koonfur Afrika

Muqdisho (PP) ─ Sida ay sheegayaan wararka laga deegaan lagu magaacabo Hermanus oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in dadka deegaankaas ay boob iyo dhac xooggan u geysteen dukaamo ganacsi oo ay leeyihiin Soomaali iyo dad kale oo Ajaanib ah.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ay dhibaatadani ka dhacday ayaa kusoo warramaya iyo xaaladdu ay kacsan tahay, sidoo kalena ay ciidammo badan oo booliis ah goobahaas gaareen, inkastoo ay awoodi la’yihiin inay wax ka qabtaan.

“Xaaladda deegaanka way kacsan tahay, xalay ayay dadweynaha ku dhaqan deegaankaas waxay billaabeen inay boobaab dukaammo ganacsi oo Somali iyo Ajaanib kale ay leeyihiin, kuwo kalena ay dad qabadsiiyeen,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida ah ee ganacsiga ku haysta deegaanka ay rabshaduhu ka dhacayaan.

Sidoo kale, ganacsdadahan ayaa u sheegay warfidiyeenka in dhibaatadani ay ka dhalatay markii dadka deegaanku ay sheegeen inaysan haysan guryo ay ku noolaadaan, taasina ay keentay inay ku qamaamaan ganacsiga Ajaanibtu ay ku leeyihiin deegaankaas.

Dhanka kale, waxaa jira cabsi xoog leh kaddib markii dadka deegaanku ay ku goodiyeen inay guryhooda ku weerari doonaan ajaanibta ganacsiyada ku leh deegaankaas, iyadoo ajaanibta ay Soomaalidu ka mid tahay ay qaar ka mid ah ka cararayaan deegaanka.

Hermanus oo ka tirsan gobolka Western-cape ee Koonfur Afrika ayaa  waxaa ganacsiyo badan ku leh Soomaalida iyo ajnabiga kale ee dalkaas ku nool, iyadoo dhawr jeer oo hore dhibaatooyin isugu jira dhac, dilal iyo sidoo kale dhaawacyo ugu geysteen dadka deegaankaas ku nool.

Ugu dambeyn, Lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo rabshadahaan lagu boobay ganacsiyada qaarkoodna lagu gubay ay geysteen, sidoo kalena lama oga qiyaasta khasaaraha hantiyeed ee rabshadahan ay geysteen.

PUNTLAND POST