AKHRISO: Somalia iyo Kenya oo isku af-gartay in la joojiyo darbiga laga dhisayo Xuduudda

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa sheegtay in la joojiyay dhismihii darbigii ay Dowladda Kenya ka dhisaysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan xadka ay Somalia kala wadaagto degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somalia aya lgu xusay in la joojiyay dhismihii darbigaas, kaddib markii uu wadahadal taleefoonka ah ay wada-yeesheen labada madaxweyne ee Somalia iyo Kenya.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu saddex xilli oo kala duwan uu Madaxweynaha Kenya kala hadlay arrinta darbiga, ayna isku af-garteen in la joojiyo dhismaha darbiga ay Kenya ka dhisayso inta dhexeysa Madheera, Kenya iyo Balad-xaawo, Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Qoraalkan ayaa soo baxay xilli ay arrinta darbigan dhalisay buuq weyn, iyadoo shacabka ku nool degmada Balad-xaawo ay sheegeen in guryahooda oo ku yaalla Soomaaliya ay la wareegtay Kenya, ayna ku dartay xadkeeda.

 AKHRISO: War-saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya;
PUNTLAND POST