Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamanka oo ka jawaabay Qoraalkii Cabdiweli Muudeey

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Baarlamaanka Somalia, Mahad C/lla Cawad ayaa qoraal uu soo saaray caawa ku caddeeyay in go’aankii maanta kasoo baxay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka, Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudey aanu ahayn go’aan ka soo baxay guddoonka golaha baarlamaanka.

Mudane Cawad ayaa qoraalkiisa ku sheegay in C/weli Muudeey aanu ahayn ku-sime guddoomiye, isla markaana aanu xaq u lahayn inuu isugu yeero xildhibaannada baarlamaanka, wuxuuna caddeymo u soo qaatay qodobo ka mida Dastuurka iyo Xeer hoosaadka.

Sidoo kale, Mooshinka ka yaalla Prof. Jawaari ayaa u muuqda mid mugdi sii galaya, iyadoo xildhibaannada mooshinka ka keenay Jawaari aysan haysan codad u filan, taasoo ugu wacan inay dib u dhigaan fadhiyada baarlamaanka.

Haddaba, AKHRISO Qoraalka uu soo saaray Mahad Cawad;
 

PUNTLAND POST