Mudane Dowladda Somalia ku eedeeyay in ay wax ka qaban wayday Xaaladda Buulo-xaawo


Muqdisho (PP) ─
Senator C/llaahi Sh. Ismaaciil Far-taag ayaa sheegay in Xukuumadda Somalia ay ku guuldareysatay inay wax ka qabato dhibaatada Dowladda Kenya ku heyso dadka degmada Buulo-xaawo ee gobolka Gedo.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Kenya ay fara-gelin ku heyso Buulo-xaawo iyo dhul boob, isla markaana ay gudaha u soo galeen Degmadaas labadii maalmood ee u dambeeyay, iyagoo godod ka qoday.

“Waa wax lala yaabo in Xukuumadda ay indhaha ka qarsato dhibaatooyinka cusub ee Kenya ka wado Buulo-xaawo iyo hanti boobka lagu haayo shacabka ku nool Buulo-xaawo,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Sidoo kale, Mudane Fartaag ayaa ka dalbaday Guddoonka Aqalka Sare in loo yeero Wasiirada Xukuumadda ee khuseysa arimahaas sida Wasiirka Amniga, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda.

Dadweynaha ku nool Balad-xaawo ayaa sameeyay Dibadbax ay uga soo hor-jeedaan tallaabooyinka Kenya, waxaana kala eryay Ciidamada Jubbaland oo ay ku eedeeyeen inay la safan yihiin Ciidanka Kenya ee dhul boobka wada.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Kenya ayaa Dhul boob xooggan ka waday Beledxaawo, iyagoo gudaha u soo galay degmadaas, si ay u dhameystiraan darbiga ay ka dhisayaan xuduud beenaadka, waxaana ay soo galeen xaafado ka tirsan Beledxaawo oo au bur buriyeen.

Ugu dambeyn, Dowladda Kenya yaaa dhawaanahan wadday qorshayaal ay ku doonayso inay darbi uga dhisto xuduudda u dhexeysa Somalia iyo Kenya, kaasoo ay sheegtay inay uga hortagayso weerarrada ay Al-shabaab gudaha dalkeeda ka geysanayso.

PUNTLAND POST