Ciidamada AMISOM oo dhawaan la Wareegaya sugida Ammaanka Xarunta Aqalka Sare

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa fadhigii maanta ee Goluhu yeesheen ka sheegay in ciidammo ka tirsan AMISOM ay dhawaan billlaabi doonaan inay sugaan Amniga Xarunta Aqalka sare.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa sheegay in arrintaan ay muddo soo socotay, isla markaana horay codsi ugu direen taliska AMISOM, kana soo jawaabeen sida uu ka sheegay kulanka.

“Aqalka sare go’aan buu ka gaaray oo la leeyahay waa in la keenaa ciidamo AMISOM ka tirsan, qoraal baan u dirnay, waana naga soo aqbaleen, waanan sugeynaa,” ayuu yiri guddoomiye Xaashi.

Sidoo kale, Xarunta Aqalka Sare ayaa ku taalla degmada Shibis, gaar ahaan xaruntii kuleejo Nouve Somalo ee agagaarka KM-0, isla markaana ku dhaw xarunta dhexe ee Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Amniga xarunta Aqalka sare ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada NISA, waxaana haddii AMISOM la wareegaan amniga xaruntan ka mid noqonaysa meelaha ay amnigooda gacanta ku hayso AMISOM, sida madaxtooyada, xarunta baarlamaanka, dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan la sheegay in ciidammo ka tirsan AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta guud ee xarunta baarlamaanka Somalia, kaddib markii uu dhashay khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo baarlamaanka.

PUNTLAND POST