Ra’iisul Wasaare Khayre oo laamaha amniga faray inay warbixin ka keenaan qaraxii shalay

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeynaya geerida dadkii shacabka ahaa ee maanta ku naf waayay qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Muqdisho.

Qaraxan ayaa sabahay dhimashada 15-qof oo u badan shacab, kuwaasoo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, ayna mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee maanta nooga baxay qaraxii ka dhacay afaafka hore Hotel Wehliye ee Jidka Maka Al-Mukarama.

“Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala duwan oo ay kamid tahay midda maanta dhacday.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray laamaha amniga ee arrintan khuseyso in ay warbixin deg-deg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay kusoo dhaafeen baraha baarista. Isla xisaabtan dhab ahna waa inuu jiraa.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu Alle deg-deg u bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daran yahay.

PUNTLAND POST