Booliiska France oo toogtay nin dad ku dhex dilay dukaan laga adeegto – Super-market


Paris (PP) ─
ABooliis hubeysan ayaa dilay nin looga shakisan yahay inuu saddex qof ku toogtay koofurta Faransiiska.

Ninka hubeysan ayaa afduubtay gaari, kaddibna ula dhaqaaqay supermarket ku yaalla magaalada Trèbes.

Ninkan, oo lagu sheegay 26-jir lagu magacaabo Redouane Lakdim, ayaa sheegtay inuu ka tirsan yahay kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah.

Waxaa la rumeysan yahay inuu saddex meelood ku dilay kuna dhaawacay dad.

Waxaa la sheegay inuu aad u hubeysnaa uuna dalbanayay sii deynta Salah Abdeslam, oo ah nin looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay weerarradii 13-kii November 2015 ka dhacay magaalada Paris, kaas oo ay ku dhinteen 130 qof.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegaya in ninka uu markii hore xabbado ku furay booliis, isagoo mid ka mid ah dhaawacay balse xaaladdiisu aysan khatar ahayn.

Dacwad-ooge ayaa sheegay in ninka hubeysan uu sheegtay inuu ka tirsan yahay Kooxda isku magacawday Dowladda Islaamka.

Bishii January sanadkii 2015 nin hubeysan ayaa afar qof ku dilay supermarket ku yaalla Paris.

Boqollaal saraakiil booliis ah ayaa goobta la geeyay, iyadoo waddooyinka galena la xiray.

Xigasho: BBC

PUNTLAND POST