Wakhtiga la qabanayo Caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo la shaaciyey

Bosaso-[Puntland Post]-Munasabad lagu shaacinayey xiliga la qabanayo caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa lagu qabtay Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari.

Isimo Nabdoono siyaasiyiin iyo waxagarad ayaa ka qeyb galay Munasabada lagu shaacinayey caleemo saarka.

15ka bisha Afraad oo ku beegan maalin khamiis ah ayaa lagu caleemo saarayaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Degmada Carmo oo ka tirsan gobalka Bari, sida ay sheegen gudiga qaban qaabada caleemo saarka.

Suldaan Bashiir koonte oo ka hadlaya Munasabada  ayaa isimada dhaqanka soomaliyeed ugu baaqay in ay kasoo qeyb galaan caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje ismaaciil oo lagu wado in ay ka dhacdo Degmada Carmo oo ka tirsan ee gobalka Bari,.

”Waxan Isimada dhaqanka soomaliyeed ugu baaqaynaa in ay nagala soo qeyb galan Caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaacil ,

Waxan Rajeynaynaa in aad codsigaya naga Aqbashaan wanu idin sugaynaa diyaarna wanu idin nahay soo dhaweyntiina” sidaas waxa yri Suldaan Bashiir Koonte.

Inta ay munasabadu socotay ayaa waxa ka hadlay goobta Nabadoono iyo waxagardkii kulan ka qeyb galaya waxana ay qireen in ay diyaar u yihiin ka qeyb galaka caleemo saarka Beeldaaje Maxamed Beeldaaje ismaaciil.

Ugu danaben munasabada ayaa ku soo dhamaataya Jawi dagan.