Madaxweyne Farmaajo oo xalay kulan gaar ah la qatay Guddoomiyaha Baarlamaanka DF

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, kaasoo ay uga hadleen xiisadaha siyaasadeed ee taagan.

Farmaajo iyo Jawaari ayaa kulankoodii xalay ku jeex-jeexay xiisadda dalka ka taagan, taasoo ka dhalatay mooshinka laga keenay Jawaari oo la sheegay inay xukuumadda federaalku dabada ka riixayso.

Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildibaanno dhawr ah iyadoo saxaafaddana loo diiday inay ka qayb-gasho, laakiinse ma jiraan qodobbo kasoo baxay kulanka labada mas’uul oo ay isku af-garteen.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Jawaari ayaa la sheegay inuu madaxweynaha u gudbiyay codsi ah in mooshinka laga keenay codka kalsoonida loo qaado, isagoo dalbaday in ciidamada laga qaado xarunta ay baarlamaanku ku shiraan, haddii kale codeynta lagu qaban doono meel kale oo ammaan ah.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhanka kale dalbaday in kulanka codka lagu qaadi doono ay goobjoogayaal ka noqdaan xubno ka socda Beesha Caalamka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Somalia, si codeyntu ay u noqoto mid hufan oo ka madax-bannaan wax-is-daba-marin.

Xlidhibaanno ka qayb-galay kulankii xalay ayaa qaarkood warbaahinta u sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalya go’aanka uu soo jeediyay Jawaari, isagoo sheegay inay wanaagsan tahay in codka kalsoonida ah lagu kala baxo.

“Madaxweynuhu wuxuu ogolaaday in mooshinka laga keenay Jawaari cod loo qaado, isla markaana ay wanaagsan tahay inuu sharcigu sarreeyo,” ayay u sheegeen xildhibaannadu warbaahinta gudaha iyo tan dibadda.

Ugu dambeyn, Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka ayaa sababay inay curyaamaan shaqooyinkii dowladda qaarkood, waxaana khilaafkan uu salka ku hayaa awood kala riixasho, wayna adag tahay in khliaafkan si fudud lagu cirib-tiro.

PUNTLAND POST