Hooyo iyo shan Carruur ah oo ay dhashay oo xalay ku dhintay Dab ka kacay Gurigooda

Muqdisho (PP) ─ Ugu yaraan toddoba qof ayaa xalay ku geeriyooday dab ka kacay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, sida ay u sheegeen warbaahinta dadka deegaanka.

Toddobada qof ee ku dhintay dabka ayaa waxay kala ahaayeen; Hooyo iyo shan caruur ah oo ay dhashay iyo qof la sheegay inuu marti u ahaa, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa dabkan.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in aabaha dhalay qoyska oo uu dhaawac kasoo gaaray dabkan uu ku guuleysan waayay inuu qoyskiisa ka badbaadiyo dabkii xalay qabsaday gurigooda.

“Walaaloow waxaa gubtay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid, waxaana ku naf-waayay hooyo, shan carruur ah oo ay dhashay oo aad u yar-yaraa iyo qof marti u ahaa qosyka, abbahihii qoyskana dhaawac ayaa soo gaaray,” ayaa laga soo xigtay goobjoogayaal ku nool xaafadda ay musiibadan ka dhacday,

Sidoo kale, shacabka deegaanka ayaa sheegay in arrintan ay aad u naxeen , isla markaana ay tahay musiibadii ugu xumayd ee xaafadooda ka dhacda tan iyo inta la xusuusto oo uu dab geystay.

Dabkan oo kacay xalay saqdii dhexe ayaa waxaa damintiisa qayb ka qaatay gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee maamulka gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale gacan ka geystay shacabka ku nool xaafadihii ku dhawaa gurigaas.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay xilliyadii ugu dmabeeyay oo hooyo iyo shan carruur ah oo ay dhashay uu dab ku dilo Muqdisho, waxaana tani ay walaac xooggan ku abuurtay shacabka ka dhaw xaafadda uu dabkaani ka kacay.

PUNTLAND POST