Soomaaliya oo kaalimaha hore ka gashay Dalalka ugu farxada badan Qaarada Afrika

Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay Qaramada Midoobay baahiso Sannad walba oo ku aaddan farxadda ayaa waxay Somalia ka gashay kaalinta lixaad, halka dalka Mauritius ay ka gashay kaalinta koowaad, iyadoo wadanka Burundi uu noqday dalka ugu murugada badan Qaarada Afrika.

Warbixinta ayaa lagu sharraxay sida ay kaalimaha u kala galeen illaa 156 dal oo dunida ah, iyadoo la eegayo inta qofka uu noolaan karo, musuqmaasuqa, xorriyadda iyo qodobbo kale oo muhiim u ah nabadda iyo nolosha.

Sidoo kale, Warbixintan ayaa lagu xusay in dalka Mauritius uu kalaita 2-aad kasoo kacay, isagoo ka saaray booska dalka Algeria oo sannadkii aanu kasoo gudubnay ee 2017 ahaa midka ugu farxadda badan ee Afrika.

Dalka Soomaaliya ayaa noqday wadanka ugu farxada badan leh waddamada ka hooseeya saxaraha, isagoo kaalinta 6-aad ka galay guud ahaan Dalalka ku yaalla Qaarada Afrika.

Balse, arrin la yaab leh noqotay in dalka Liibiya oo colaado ay ka jiraan uu noqdo dalka labaad ee Afrika ugu farxadda badan, iyadoo waddankaas laga soo tabinayay sannadihii u dambeeyay dhibaatooyin loo geysto dadka kasoo Afrika ee tahriibka ku mara dalkaas.

Dhanka kale, Waddanka Nigeria oo kaalinta 6-aad ku jiray sannadkii 2017-ka ayaa sannadkan galay kaalinta 5-aad, inkastoo Dowladda waddankaas ay dagaal kula jirto ururka Boko Haram.

Ugu dambeyn, Waddanka ugu faraxadda badan caalamka ayaa waxaa galay sannadkan dalka Finland iyadoo sannadkii hore uu kaalinta koowaad ay ku jirtay Norway oo ka mid ah dalalka Yurub ku yaalla.

Haddaba, Akhriso sida ay waddamada Afrika ugu kala horreeyaan Farxadda;

  1. Mauritius
  2. Libya
  3. Algeria
  4. Morocco
  5. Nigeria
  6. Somalia
  7. Cameroon
  8. Gabon
  9. South Africa
  10. Ivory Coast

PUNTLAND POST