Kulammo siyaasadeed iska soo horjeeda oo Maanta ka socda Qaybo ka mid ah Muqdisho


Muqdisho (PP) ─
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulammo iska soo horjeeda, kuwaasoo ay ku lug leeyihiin xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, waxaana arrintan ay timid kaddib markii dhawaan uu burburay mooshin laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka, kasoo la doonayay in xilka looga xayuubiyo.

Xildhibaanada taageersan Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo kuwii mooshinka ka keenay ayaa kulammo gooni-gooni ah maanta ku leh Xamar, kuwaasoo ay kaga hadlayaana halka ay maraaan siyaasadahooda iska soo horjeeda, sida ay inoo xaqiijiyeen xildhibaanno ka tirsan kuwa kulammada leh.

Kulammadan midkood ayaa ka dhici doona xarunta Villa Hargeysa oo hoy u ah Prof. Jawaari, kulankaas oo lagu casuumay xildhibaanno boqol ka badan kuwaasoo qaarkood ay taageersan yihiin guddoomiyaha halka kuwa kalena taageero looga raadinayo inay moqifkan taageeraan.

Sidoo kale, kulan kaas kasoo horjeeda oo ay leeyihiin xildhibaannada kasoo horjeeda guddoomiye Jawaari ayaa ka dhici doona Hotel SYL oo ku dhaw madaxtooyada, waxaana la sheegayaa in shirkan laga soo abaabulay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas ku daray in kulammadan ay yihiin kuwo xildhibaanadan kala aragtida duwan ay kusoo bandhigayaan awoodooda, inkastoo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona.

Dhanka kale, Mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari ayaa la rumeysan yahay in xukuumadda ay doorka ug weyn ku leedahay, iyadoo saxiixayaasha mooshinka ay u badnaayeen xildhibaanno wasiiro ah.

Ugu dambeyn, Khilaafkan siyaasadeed ee ka dhex-bilowday xukuumadda iyo baarlamaanka Federaalka Somalia ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho hay’adaha dowladda.

PUNTLAND POST