Dowladda Turkiga oo ku wareejisay Somalia dhul ballaaran oo ay ka dhisato Safaarad

Ankara (PP) ─ Safaaradda Somalia ee Magaalada Ankara dalka Turkiga ayaa lagu wareejiyay dhul gaar ah oo laga dhisi doono xarunta safaaradda, hoyga safiirka, xarun dhaqan iyo dhismayaal kale.

Danjiraha Somalia ee Turkiga, Jaamac Ceydiid ayaa sheegay in shan bilood ka hor ay ka dalbadeen wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga dhul, isla markaana mudadaas ay ku howlanaayeen soo qiimeynta dhulka iyo sharci u sameyntiisa.

Dhulka la siiyay safaarada Somalia ayaa cabirkiisa yahay 5000-mitir oo laba jibaanan oo ku yaalla xaafadda Incek, kasoo horjeedka Jaamacadda weyn ee Ufuk University ee Magaalada Ankara.

Sidoo kale, Dhulkaan cusub ayaa wuxuu ku dhex yaallaa mid ka mid labada xirmo ee safaaradaha loo asteeyay, iyadoo haddii la dhiso uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay Soomaali ku yeelato dalka Turkiga.

Safiirka Somalia ee Ankara oo ay wehliyeen wasiirka kaluumeysiga Somalia oo booqasho ku jooga Turkiga iyo mas’uuliyiin kale ayaa kormeer ku tagay dhulka la siiyay safaaradda oo la filayo in dhowaan la dhiso.

Dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ay iminka degan tahay ayaa ah dhismo yar oo kiro ah, waxaana ay ku howl galaysay toddobadii Sano ee u dambeeyay.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa horay safaarada Turkiga ee Muqdisho u siiyay dhul ku yaalla Degmada C/casiis oo u dhow xeebta Liido, halkaasoo laga dhisay dhismaha ugu weyn ee safaarad ku leedahay caalamka.

PUNTLAND POST